Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Maanta oo ay tahay taariikh-du tahay 20ka November 2024, waxaa magaalada Caasimada dawlad gobolkeedka Galmudug ee…

Maanta oo ay tahay taariikh-du tahay 20ka November 2024, waxaa magaalada Caasimada dawlad gobolkeedka Galmudug ee Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii Maareynta Maaliyadda Dadwaynaha…

Maanta oo ay tahay taariikh-du tahay 20ka November 2024, waxaa magaalada Caasimada dawlad gobolkeedka Galmudug ee Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii Maareynta Maaliyadda Dadwaynaha (PFM). Shirkan, oo socday intii u dhaxaysay 16-20ka November, ayaa diiradda lagu saaray isku xirka iyo horumarinta nidaamyada maaliyadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (FMS).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, iyo Xisaabiyaha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Maxamed Ibraahim Xuseen, ayaa oo ku metalayey Maamulka SSC-Khaatumo shirkan ayaa door muuqda ka qaatay horumarinta, wada shaqaynta iyo hufnaanta nidaamyada maaliyadeed.

Shirka ayaa lagu soo xidhay go’aanno muhiim ah oo ku saabsan:

  • Mideynta habraacyada xisaabaadka maaliyadeed.
  • Kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo daahfurnaanta nidaamyada maaliyadda.
  • Xoojinta iskaashiga heerarka kala duwan ee dowladnimada si loo gaaro horumar waara.

Dhamaad
Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)