Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Kulankii 23-aad ee Gudiga Farsamada Fadaraaleynta Maaliyadda Dalka (IGFFTC) oo Guul ku soo Gabagaboobay

Kulanka Guddiga Farsamada ee Federaaleynta Maaliyadda Dalka ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Gudiga Mudane, Feisal Mohamed Hashi ayna ka soo qayb-galeen Xubnaha Gudiga ayaa si…

Kulanka Guddiga Farsamada ee Federaaleynta Maaliyadda Dalka ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Gudiga Mudane, Feisal Mohamed Hashi ayna ka soo qayb-galeen Xubnaha Gudiga ayaa si guul ah usoo gabo-gaboobay.

Shirkaan oo socday muddo saddex maalmood ah (29-31-ka Agoosto 2026), ayaa diiradda lagu saaray arrimaha hortabinta u leh dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dalka, wadaagga dakhliga iyo dhammeystirka heshiisyadii qabyada ahaa.

Qodabada lagu heshiiyay
1- Kulanka waxaa lagu soo bandhigay dib-u-eegista is-qiimeyntii DXDF iyo Gobolka Banaadir ee 2025. Dood dheer kadib, kulanku wuxuu ansixiyay natiijooyinka dib-u-eegista, oo lagu saleeyay qaacidada cusub ee Wadaagga Deeqaha, taas oo loo adeegsan doono wadaagga kabka Miisaaniyadeedka ee 2026.

2- Kulanku wuxuu ka dhegeystay Agaasinka Dakhliga DFS warbixin ku saabsan hannaanka midaynta Canshuurta Iibka, iyada oo la soo bandhigay heshiiska la xiriiro dhaqan-galinta canshuurta iibka iyo qaacidada qeybsiga dakhliga kasoo xarooda canshuurta iibka. Waxaa kale oo lagu heshiiyey in Guddi-hoosaadka Dakhliga ee IGFF-TC sii ambaqaado turxaan bixinta heshiiska qabyada ah, kadib talo-bixinta Guddi-hoosaadka, waxa heshiiska loo gudbinayaa kulanka Wasiirrada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si ay usaxiixaan.

3- Gudigu wuxuu isku waafaqay in la mideeyo system ka canshuurta wado-marista Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyada oo la wafaajinayo qiimaha DFS, si sare loogu qaado dakhliga dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

4- Shirku wuxuu ku heshiyay in la dhaqangeliyo xeerka caalamiga ah ee xisaabaadka ee IPSAS Accrual.

5- Ugu danbeyn waxa la ansixiyey mideynta jadwalka diyaarinta miisaaniyadda ee dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)