Xil ka qaadis iyo magacaabid Isuduwaha Maaliyadda Gobalka Cayn
Laascaanood 14.10. 2024: - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Markuu arkay baahida loo qabo in la dardar geliyo hawlaha dakhli iyo kuwa maaliyadeed ee Gobolka Cayn wuxuu xilka…

Laascaanood 14.10. 2024: - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Markuu arkay baahida loo qabo in la dardar geliyo hawlaha dakhli iyo kuwa maaliyadeed ee Gobolka Cayn wuxuu xilka Isuduwaha Maaliyadda Gobalka Cayn ka qaaday Md. Jamaal Maxamed Xasan wuxuuna isla xilkaa Isuduwaha Maaliyadda Gobalka Cayn u magacaabay Md. Dirir Cabdinaasir Mahad.
Waxa aan farayaa dhammaan masuuliyiinta ogta ku leh warqaddan in ay la shaqeeyaan soona dhaweeyaan masuulka cusub si uu u guto hawl maalmeedkiisa.
Md. Dirir waxa aan farayaa in uu xilka loo magacaabay si karti iyo hufnaan leh uga soo baxo una dardar geliyo hawl-gelinta maaliyadeed ee Gobolka.
DHAMMAAD


