Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Waqooyi Bari waxaa booqasho rasmi ah ku timi Marwo Faisa Awad Baraar…

Xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Waqooyi Bari waxaa booqasho rasmi ah ku timi Marwo Faisa Awad Baraar oo ka mid ah Guddiga Dhaqaalaha Waqooyiga Ameerika. Marwadu intii ay…

Xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Waqooyi Bari waxaa booqasho rasmi ah ku timi Marwo Faisa Awad Baraar oo ka mid ah Guddiga Dhaqaalaha Waqooyiga Ameerika. Marwadu intii ay booqashada ku guda jirtay waxay uga mahadcelisay wasaaradda shaqada quruxda badan ee ay qabato iyo dadaalka ay ku bixinayso horumarinta adeegyada maaliyadeed.

Sidoo kale, Marwo Faisa waxay ku wareejisay wasaaradda kombiyuutarro casri ah oo ay ugu talo gashay in loo adeegsado nidaamka ururinta dakhliga, si loo xoojiyo hufnaanta iyo habsami-u-socodka howlaha wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa uga mahadceliyey Marwo Faisa Awad Baraar iyo qurba-joogta dadaalka muuqda ee ay markasta ku taageeraan horumarinta adeegyada maaliyadeed iyo guud ahaan horumarka gobolka.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)