Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Waxaa magaalada Nairobi ka furmay Shirkii 3-aad ee Afar Biloodlaha ah ee Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), oo uu soo…

Waxaa magaalada Nairobi ka furmay Shirkii 3-aad ee Afar Biloodlaha ah ee Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka. Shirkan…

Waxaa magaalada Nairobi ka furmay Shirkii 3-aad ee Afar Biloodlaha ah ee Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka. Shirkan oo soconaya 2–7 Agoosto 2025 ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socda Dowlad-Goboleedyada, BRA, iyo IGFFC.

Dowladda Waqooyi Bari ayaa si firfircoon uga qeyb gashay shirka, iyadoo la falanqeeyay horumarka PFM, caqabadaha jira, iyo xoojinta wada shaqeynta maaliyadeed ee heer Qaran iyo Dowlad-Goboleed.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah sida horumarinta nidaamka SFMIS, tababaro, iyo safarkii waxbarasho ee Dalka Nageria. Waxaa la isla gartay in la xoojiyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed guud ahaan dalka.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda
Dawlad goboleedka Waqooyi bari.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)