Waxaa maanta qabsoomay shirka isbuuclaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda
Laascaanood, 03-12-2025: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqani Xuseen X. Hiirad, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Mudane Axmed Daahir, ayaa guddoomiyay shirka Isbuulaha ah ee…

Laascaanood, 03-12-2025: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqani Xuseen X. Hiirad, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Mudane Axmed Daahir, ayaa guddoomiyay shirka Isbuulaha ah ee Wasaaradda.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu Agaasimeyaasha iyo hawlwadeenada kale la wadaagay warbixinta Iyo qorshe hawleedyada hortebinta u leh Wasaaradda ee ka soo baxay golaha fulinta.
Waaxda Dakhliga ayaa faahfaahin ka bixisay safar shaqo oo ay dhawaan ku tageen gobolka Togdheer, sidoo kale waxay ka warbixiyeen shaqooyinkii u hirgalay iyo caqabadaha hor taagan dakhliga.
Waaxda Iibka iyo Qandaraasyada ayaa sidoo kale ka warbixisay gaadiid loo iibinayo ciidanka, dayactirka gaadiidka hawl-socodsiinta guud ee gobolka Togdheer.
Ugu dambayn, Hawladeena Xafiiska Xisaabiyaha Guud Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa ka warbixiyey halka ay marayso bixinta xuquuqda mushaharka Ciidamada.
Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari


