Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo kulamo la qaatay qurba-joogta reer Waqooyi Bari ee carriga maraykan-ka
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad, oo safar shaqo ku jooga dalalka Waqooyiga Ameerika maalmahan dambe, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha…

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad, oo safar shaqo ku jooga dalalka Waqooyiga Ameerika maalmahan dambe, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay qaybaha kala duwan ee qurba-joogta reer Waqooyi Bari ee ku nool gobollo ka tirsan dalka Maraykanka.
Kulamadaasi ayaa ahaa kuwo is-xogwaraysi iyo wada-tashi oo ku saabsan xaaladda guud ee deegaanka iyo horumarka ay ku tallaabsatay Dawladda Waqooyi Bari. Wasiirku waxa uu qurba-joogta uga warbixiyey xaaladda deegaanka, geeddi-socodka dhismaha dowladnimada, maamul-daadejinta, xasilloonida iyo amniga, koboca dhaqaalaha, iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey adeegyada dowladda.
Wasiirka Maaliyadda, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Kor-u-qaadista Dakhliga Dowladda, ayaa kulamadii uu la yeeshay qurba-joogta reer Waqooyi Bari ee ku nool gobolladda Minnesota, Ohio, Washington, Virginia iyo caasimadda Washington DC ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay doorka qurba-joogtu ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta dawladooda.
Wasiirku waxa uu ku boorriyey qurba-joogta inay sii xoojiyaan ka qaybqaadashada geeddi-socodka dhismaha dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, iyo taageeridda dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinayo adeegyo hufan iyo horumar waara.
Sidoo kale wuxuu wasiirku qurba joogta ku booriyey in ay waddanka ku soo laabtaan, maal gashadaan, khibrad iyo aqoona ku soo kordhiyaan.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey qurba-joogta reer Waqooyi Bari kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan taageeridda iyo garab istaagga dowladdooda, isaga oo xusay in wada-shaqaynta dowladda iyo qurba-joogtu ay tahay tiir muhiim u ah horumarka iyo mustaqbalka deegaanka.


