Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta Golaha Baarlamaanka horgeeyay Miisaaniyadda 2025 ee Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood, 18 Janaayo 2025: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqani Xuseen Hiirad, ayaa maanta Golaha Baarlamaanka horgeeyay Hindisaha Miisaaniyadda 2025…

Laascaanood, 18 Janaayo 2025: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqani Xuseen Hiirad, ayaa maanta Golaha Baarlamaanka horgeeyay Hindisaha Miisaaniyadda 2025 ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Hindisaha Miisaaniyadda oo loo akhriyay Golaha Baarlamaanka ayaa ka kooban mideynta dhammaan miisaaniyadaha joogtada ah iyo kuwa raasumaalka ah ee Maamulka SSC-Khaatumo, iyada oo diiradda la saarayo in la xaqiijiyo hufnaanta iyo habsami-u-socodka maamulka dhaqaalaha.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha, Mudane Muxyadiin Maxamed Jaamac.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ayaa ugu dambayn sheegay in Hindisaha Miisaaniyadda 2025 lagu wareejin doono Guddiga Maaliyadda ee Golaha Baarlamaanka si ay uga gutaan waajibaadkooda oo waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Baarlamaanka. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda iyo xubnaha Golaha Baarlamaanka ee ka soo qayb galay fadhiga maanta.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda Maamulka SSC-Khaatumo.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)