Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Wasiirka Maaliyadda SSC-Khaatumo oo safar SHAQO KU tagay Columbus, Ohio – usa

Wasiirka Maaliyadda Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Columbus, gobolka Ohio ee dalka Mareykanka. Intii uu joogay,…

Wasiirka Maaliyadda Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Columbus, gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Intii uu joogay, Wasiirku wuxuu kulan midho-dhal ah la yeeshay jaaliyadda SSC-Khaatumo iyo guddiga jaaliyadda gobolkaas. Kulankaas oo uu diiradda lagu saaray is xogwaraysi, wada-tashi iyo dhiirigelin ayaa si heer sare ah u qabsoomay, wuxuuna kusoo dhammaaday midnimo, wadajir, iyo isku-duubni bulshada SSC-Khaatumo ay ku taageerayaan maamulka.

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyey jaaliyadda ku sugan Maraykanka, gaar ahaan Ohio, kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska, taageerada dhaqaale, iyo taageerada farsamo ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda SSC-Khaatumo.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)