Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Waqooyi Bari oo safar SHAQO KU tagey Xudun

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Jaamac Daahir Qodax, oo ay weheliyaan Hoggaanka Turubataariyada Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, G/dhexe Cabdirisaaq…

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Jaamac Daahir Qodax, oo ay weheliyaan Hoggaanka Turubataariyada Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, G/dhexe Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, iyo Taliyaha Laanta Turubataariyada Gobolka Sool, Daa’uud Axmed Aadan, ayaa safar shaqo ku tegay Degmada Xudun ee Gobolka Sool.

Mas’uuliyiinta ayaa kulan la qaatay maamulka degmada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka wada hadlay xaaladda degmada iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda iyo bulshada.

Sidoo kale, wafdiga ayaa kormeer ku sameeyey Kastamka Cashuuraha Degmada Xudun, halkaas oo ay ku soo indha-indheeyeen habsami-u-socodka shaqada iyo howlaha cashuuraha ee ka socda kastamka.

Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka, ururinta dakhliga dowladda iyo horumarinta nidaamka cashuuraha ee Degmada Xudun.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)