Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo kormeer SHAQO KU tagey Kastamka Tukaraq
Ku simaha wasiir ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Jaamac Daahir Qodax, ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool.…
Ku simaha wasiir ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Jaamac Daahir Qodax, ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool.
Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo la socodka shaqada kastamyada, kor u qaadidda hufnaanta adeegyada iyo dardargelinta uruurinta dakhliga dowladda.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ku bogaadiyey shaqaalaha dadaalkooda, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadkooda si loo dardargeliyo horumarka adeegyada dowladda.


