Wasaaradda Maaliyadda Dowladda SSC-Khaatumo oo ka mid noqotay Guddiga farsamo ee Daadajinta nidaamka maaliyadeed ee dalka (igff-tc)
Laascaanood, Juun 29, 2025 – Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Guddiga Farsamo ee Daadajinta Nidaamka Maaliyadeed ee Dalka (Intergovernmental…

Laascaanood, Juun 29, 2025 – Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Guddiga Farsamo ee Daadajinta Nidaamka Maaliyadeed ee Dalka (Intergovernmental Fiscal Federalism Technical Committee – IGFF-TC), taasoo ah tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa aqoonsiga iyo ka-qaybgalka SSC-Khaatumo ee horumarinta maaliyadda guud ee dalka.
Ka mid noqoshadani waxay astaan u tahay horumar laga gaadhay wada-shaqeynta dawladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo Dowladda SSC-Khaatumo la aqoonsaday inay door muuqda ka qaadato qorsheynta, hirgelinta, iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Guddigan farsamo oo ka kooban wakiillo ka kala socda Wasaaradaha Maaliyadda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, ayaa u xilsaaran:
• Daadajinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
• Horumarinta miisaaniyadda iyo xisaabaadka.
• Tayeynta maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka.
Wakiilada Dowladda SSC-Khaatumo ee ka mid noqondoona guddigan waxay si buuxda uga qaybqaadan doonaan kulamada, tababarada, iyo go’aamada muhiimka ah ee la xidhiidha dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay uga mahadcelinaysaa Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Maaliyadaha dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo hay’adaha taageeraya IGFF sida World Bank iyo JPLG, fursaddan muhiimka ah ee loo oggolaaday SSC-Khaatumo.
DHAMMAAD
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo


