Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u hirgeliyey Kastamka Degmada Xamarlaguxidh, iyadoo ay ka…

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u hirgeliyey Kastamka Degmada Xamarlaguxidh, iyadoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta kala duwan ee heer degmo iyo heer gobol.…

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u hirgeliyey Kastamka Degmada Xamarlaguxidh, iyadoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta kala duwan ee heer degmo iyo heer gobol.

Hirgelintan kastamku waxa ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadda, kobcinta dakhliga gudaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee degmada iyo gobolka.
Munaasabadda furitaanka iyo hirgelinta kastamka waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta hoos ku xusan:
Isuduwaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka togdheer Mudane Dirir Cabdinaasir Mahad, Gudoomiyaha Degmada Xamarlaguxidh Maxamed Cali Baashe, Maamulaha Kastamada Gobolka Togdheer Mudane Ibraahim Maxamuud Maxamed, Taliyaha Laanta Cashuuraha Gobolka, Khadar Cabdikariin Xasan iyo Cawil Cabdijabane oo ah Taliyaha Booliska Degmada xamarlaguxidh.

Masuuliyiinta ayaa si wadajir ah u adkeeyey muhiimadda ay kastamku u leeyahay horumarinta dhaqaalaha, sugidda amniga, iyo habsami u socodka ganacsiga degmada. Sidoo kale, waxay bulshada ugu baaqeen inay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan, iyo dardar gelinta adeegyada loo hayo shacabka.
Ugu dambayn, maamulka degmada iyo kan gobolka ayaa ku celiyey sida ay uga go’an tahay kor u qaadista nidaamka maaliyadeed iyo xoojinta wada shaqaynta hay’adaha kala duwan.
— DHAMMAAD —

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)