WARBIXIN KU SAABSAN TABABARKA SHAXDA AKOONADDA MIDEYSAN (Unified Chart of Accounts)
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyay tababarka ku saabsan Shaxda Akoonada Mideysan (Unified Chart of…
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyay tababarka ku saabsan Shaxda Akoonada Mideysan (Unified Chart of Accounts). Wuxuu si qoto dheer uga hadlay hanaanka uu soo maray nidaamka maaliyadeed heerarka caalamiga ah ee la isticmaalayo (standardization). Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in ajendaha muhiimka ah ee sanadka 2025 uu yahay in dhammaan dakhliga iyo kharashaadka maamulka SSC-Khaatumo lagu maareeyo iyada oo la adeegsanayo Shaxda Akoonada Mideysan.
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Marwo Najax Cumar Axmed, ayaa tilmaantay in ahmiyadda Wasaaradda ay tahay hirgelinta hab-raacyo ku saleysan shaqo bilaabid, shaqo saxid, iyo shaqo balaadhin. Waxay carrabka ku adkaysay in lagu tallaabsanayo qorshaha u guurista nidaamka Shaxda Akoonada Mideysan si loo suurtogaliyo nidaam maaliyadeed oo mideysan, casri ah, kana jawaabaya baahiyaha maamulka SSC-Khaatumo.
Tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta hufnaanta maareynta maaliyadda iyo dhismaha nidaam maaliyadeed oo waafaqsan heerarka dawladda dhexe iyo Dawlad goboledda xubnaha ka ah.
Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo.


