Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Tababarka Hanaanka Ururinta Cashuurta Gaadiidka iyo Nidaamka Cusub ee Cashuurta Wado-Marista

Laascaanod — Agaasimaha Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka iyo Agaasimaha Xigeenka Dakhliga ayaa maanta qabatay tababar muhiim ah oo ku saabsan hanaanka ururinta cashuurta wado-marista, hubinta…

Laascaanod — Agaasimaha Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka iyo Agaasimaha Xigeenka Dakhliga ayaa maanta qabatay tababar muhiim ah oo ku saabsan hanaanka ururinta cashuurta wado-marista, hubinta cashuurta la xidhiidha gaadiidka, iyo nidaam cusub oo ah (system) lagu maareynayo cashuurta wado-marista. Tababarkan waxaa lagu dhiirrigeliyay fududaynta cashuur qabashada, kor loogu qaaday maamulka cashuuraha gaadiidka, isla xisaabtanka, iyo daahfurnaanta cashuurta wado-marista.

Tababarkan waxaa qayb galay Maamulayaasha Kastama, Taliyayaasha Rugeedada Kastama, Maamulayaasha Cashuuraha Berriga, iyo Isuduwaha Gobolka Cayn. Wuxuuna tababarkani saamayn wanaagsan ku yeelan doono horumarinta nidaamka cashuurta gaadiidka iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha ururinta dakhliga.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)