Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Soo Xidhitaanka Tababarka Miisaaniyadda Muwaadiniinta

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Tababarka Miisaaniyadda Dadweynaha (citizen budget) oo ka dhacay MAA Hotel, Nairobi, Kenya. Tababarka (Budget Citizen Engagement & Budget Mid-year…

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Tababarka Miisaaniyadda Dadweynaha (citizen budget) oo ka dhacay MAA Hotel, Nairobi, Kenya.

Tababarka (Budget Citizen Engagement & Budget Mid-year Review Report) waxay noogu qabsoontey sidii loo qorsheeyey, Wuxuu socdey July 25 - Aug 06 2025.

Tababarka ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo fahamka hay’adaha dawladda iyo bulshada ee miisaaniyadda, korna loo qaado hannaanka daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay Wasaaradaha Maaliyadda Dalka
JSS – Jubbaland State of Somalia
SWSS – South West State of Somalia
HSS – Hirshabelle State of Somalia
GSS – Galmudug State of Somalia
NESS – North East State of Somalia
BRA – Banadir Regional Administration
FGS – Federal Government Somalia
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari waxaa uga qaybgalay Agaasimaha Miisaaniyadda iyo Qorshaynta, Agaasimaha Maamulka iyo Maamliyadda

Agaasimayaasha Dawlada Waqooyi Bari ayaa la rajeynayaa in xirfadaha iyo aqoonta ay si wax ku ool ah ugu adeegaan bulshada.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda
Dawlada Waqooyi Bari

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)