Soo xidhitaanka shirkii 3aad ee afar biloodle ee Maareynta Maaliyadda Guud
Nairobi — Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Shirkii 3aad ee Afar Biloodle ee Maareynta Maaliyadda Guud oo ka dhacay magaalada Pullman Hotel, Nairobi, Kenya intii u dhaxaysay 2–7…

Nairobi — Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Shirkii 3aad ee Afar Biloodle ee Maareynta Maaliyadda Guud oo ka dhacay magaalada Pullman Hotel, Nairobi, Kenya intii u dhaxaysay 2–7 Agoosto 2025.
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabiraxmaan Maxamed Anas ayaa si rasmi ah u soo xeray maanta oo ay taariikhdu tahay Ogoosto 7, 2025.
Shirkan ayaa lagu lafaguray horumarka laga sameeyay dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed, is-waafajinta warbixinta maaliyadeed ee heerarka kala duwan ee dowladnimada, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada.
Waxa uu shirka kusoo dhammaaday jawi isfaham iyo go’aano mideysan oo lagu dardargelinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo daahfurnaanta maamulka maaliyadda dalka.
Shirkan oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari uga qaybgaleen 3 xubnood oo kala ah: Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Khasnadda iyo Khasnajiga Gobolka Sool ayaa lagu meelmariyey shirka 4aad ee xiga lagu qabto Caasimadda ee Laascaanood ee Dowladda Waqooyi Bari.
Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda


