Ololaha Qor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (2/15)
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad ayaa maalinkii labaad Daah-furay Ololaha Qor u qaadista Dakhliga wacyigelinta Dawladda Waqooyi…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad ayaa maalinkii labaad Daah-furay Ololaha Qor u qaadista Dakhliga wacyigelinta Dawladda Waqooyi Bari.
isagoo muujiyey muhiimadda ay cashuuruhu u leeyihiin horumarinta Adeegyada bulshada iyo kobaca Dhaqaalaha Dawladda.
Wasiirku waxa uu xusay in Dakhliga Guduhu uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu maalgeliyo adeegyada sida waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxa uu ugu baaqay ganacsatada iyo muwaadiniinta inay si hufan u bixiyaan Cashuuraha ku waajibay, si loo dhiso Dhaqaale adag iyo Iyo Horumar Waara.


