Ololaha Qor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (2/15)
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Axmed Ismaaciil oo kamida Guddiga Qor u qaadista Dakhliga Waqooyi Bari ayaa ka qayb galey Maalinka Labaad…
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Axmed Ismaaciil oo kamida Guddiga Qor u qaadista Dakhliga Waqooyi Bari ayaa ka qayb galey Maalinka Labaad Ee Ololaha Qor u qaadista Dakhliga
Wasiirka Oo ka hadlay Muhiimada Dakhliga Ayaa sheegay inuu awoodda Saari doona Horumarinta dhaqaalaha buluugga iyo Khayraadka Badda
Wasiirka ayaa Bulshada Waqooyi Bari Ugu baaqey ka qayb qaadashada Ololaha kor u qaadista dakhliga Dawladda gaar ahaana Ganacsatada iyo
Qurbajoogta.
Ujeedada Ololahan ayaa ah Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Gargaarka Degdega ah.
Wasaaradda Maaliyadda Oo u hormuud u yahay Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad ayaa Dardargelin ku wada Horumarinta iyo Ololaha kor u qaadista dakhliga Dawladda Waqooyi Bari.


