Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (13/15)
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqadir Maxamuud Ducaale ayaa ka qayb galey Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari. Wasiirka…
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdiqadir Maxamuud Ducaale ayaa ka qayb galey Ololaha Kor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari.
Wasiirka ayaa bulshada Waqooyi Bari ugu baaqey inay ka qayb qaataan Ololahani oo ah, laf-dhabarta Dawladda isagoo ku booriyey ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshadu inay si wadajira u bixiyaan Cashuurta.
"Muwaadin si dawladdu adeegyada bulshada u bixiso, ka qayb qaado inaysan cashuurtu kugu baaqan si nidaamka dawliga ahi adeeg bixiye u noqdo"
Sido kale Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Waqooyi Bari si Wayn uga qayb qaadan doonto Kor u qaadista Dakhliga Dawladda.


