Laascaanood - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ee SSC-Khaatumo, ayaa soo dhawayn u…
Laascaanood - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ee SSC-Khaatumo, ayaa soo dhawayn u sameeyay Isku xidhaha Xisaabadka Guud ee dowlad goboleedyada iyo dowladda…

Laascaanood - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ee SSC-Khaatumo, ayaa soo dhawayn u sameeyay Isku xidhaha Xisaabadka Guud ee dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Macallin Caddow. Mudanahan ayaa sidoo kale ah la-taliye sare oo ka socda Xafiiska Xisaabadka Guud ee Dowladda Federaalka.
Waxay booqasho ku tageen qaybo ka mid ah Wasaaraddaha iyo Taliska Ciidanka Booliska ee Maamulka SSC-Khaatumo, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Qoyska,Wasaaradda Qorshaynta iyo Taliska Ciidanka Booliska.
Ujeedada booqashadani waxay ahayd qiimayn guud, iyadoo la filayo in lagu qabto Maamulka SSC-Khaatumo kulanka saddexdii biloodka ah ee Xafiiska Xisaabada Guud iyo xafiisyada Xisaabaadka ee dowlad goboleedyada.


