Laascaanood, 31-03-2026: Furitaanka Ololaha Kor u Qaadista Dakhliga Dowladda Waqooyi Bari (1/15)
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqani Xuseen Hiirad ayaa si rasmi ah u daah-furay ololaha wacyigelinta Dakhliga dawlada, isagoo muujiyey muhiimadda ay cashuuruhu u leeyihiin…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqani Xuseen Hiirad ayaa si rasmi ah u daah-furay ololaha wacyigelinta Dakhliga dawlada, isagoo muujiyey muhiimadda ay cashuuruhu u leeyihiin horumarinta adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dawlada.
Wasiirku waxa uu xusay in dakhliga gudahu uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu maalgeliyo adeegyada sida waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxa uu ugu baaqay ganacsatada iyo muwaadiniinta inay si huffan u bixiyaan cashuuraha ku waajibay, si loo dhiso dhaqaale adag iyo horumar waara.
Dhamaad
#KorUQaadkaDakhliga


