Laascaanood, 08 December 2024 – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad ayaa qayb…
Laascaanood, 08 December 2024 – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad ayaa qayb ka ahaa soo xidhista Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Maamulka…

Laascaanood, 08 December 2024 – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad ayaa qayb ka ahaa soo xidhista Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Maamulka SSC-Khaatumo, oo lagu qabtay caasimadda Laascaanood.
Munaasabadda xiritaanka tartanka waxaa si rasmi ah u soo gunaanaday Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo, Tartankan oo socday muddo dheer ayaa waxaa ka qaybgalay shan degmo oo ka tirsan SSC-Khaatumo, waxaana ku guuleystay degmada Buuhoodle.
Wasaaradda Maaliyadda waxay u hambalyeynaysaa degmada Buuhoodle guusha ay ka gaartay tartanka, Degmada ceerigaabo dadaalkii badanaa ee ay muujiyeen intuu socday koobku iyo dhammaan degmooyinkii ee qayb ka ahaa koobka waxay soo bandhigeen ciyaar wanaagga iyo xirfadooda sare.
Wasaradda Maaliyaddu waxay Bulshada SSC-Khaatumo ku amaanaysa wadajirka ay soo bandhigeen, in ay muujiyeen lahaanshaha koobka iyo sida heerka sare ee ay taageereen dhalinyaradda ciyaarayey.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay bogaadinaysaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Maamulka SSC-Khaatumo oo qaybtay koobkan quruxda badan iyo dadaalkooda joogtada ah ee ku saabsan horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada.
Wasaaradda Maaliyadda waxay mar kale caddeynaysaa sida ay uga go’an tahay in la taageero barnaamijyada kor u qaadaya wacyiga dhalinyaradda, isdhexgalka bulshada, iyo horumarinta awoodaha dhallinyarada SSC-Khaatumo.
Dhamaad
Waaxda xogta iyo xidhiidhka dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo


