Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Kulanka Aqoon-isweydaarsiga isku dubaridka Miisaaniyadda

Kulan u dhexeeya Waaxaha Miisaaniydda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu qabtay Caasimadda Dawlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaanyo, kaas oo lagu…

Kulan u dhexeeya Waaxaha Miisaaniydda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada ayaa lagu qabtay Caasimadda Dawlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaanyo, kaas oo lagu xoojinayaa iskaashiga iyo is-waafajinta miisaaniyadda, si loo hubiyo in qorsheynta miisaaniyadda 2027 ay si wadajir ah u qabsoonto.

Ujeedda kulanka ayaa ahayd In la falanqeeyo arrimaha muhiimka ah sida jadwalka miisaaniyadda, shuruudaha waxqabadka (PBCs), kalsoonida miisaaniyadda (PEFA), iyo horumarinta nidaamyada maaliyadeed.

Sidoo kale, waxaa lagu soo jeediyay nidaamka SFMIS si loo muujiyo habka casriga ah ee diyaarinta iyo maaraynta miisaaniyadda.

Dhamaad

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)