Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

KUALA LUMPUR: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Siciid Cabdiraxmaan Maxamed…

KUALA LUMPUR: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa ka qeyb galay tababar heer qaran ah oo ku saabsan “Dejinta…

KUALA LUMPUR: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa ka qeyb galay tababar heer qaran ah oo ku saabsan “Dejinta Siyaasadaha Dhaqaalaha iyo Hoggaaminta Isbeddellada Waxqabadka”, kaas oo ka dhacay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Tababarkan waxaa hagayey oo diyaariyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana qayb ka ahaa hay’adaha dhaqaalaha ee heer federaal iyo dowlad-goboleed.
Waxaa ka soo qayb galay saraakiil sare oo ay ka mid yihiin agaasimayaal guud, agaasimayaal fulineed, agaasimayaal waaxeed iyo lataliyaal sare oo ka kala socday:
– Xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliyadda.
– Wasaaradda Maaliyadda Federaalka
– Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Federaalka
– Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada
Tababarku wuxuu diiradda saaray kor u qaadista hoggaaminta dhaqaalaha iyo horumarinta awoodaha siyaasadeed ee hay’adaha maaliyadeed ee dalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)