Daahfurka cashuuraha Berriga ee Gobolka Cayn Maamulka SSC-Khaatumo
Buuhoodle 12.Dec.2024:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si rasmi ah Cashuuraha Berriga uga daahfurey Gobolka Cayn, Caasimadiisa Buuhoodle.…

Buuhoodle 12.Dec.2024:- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si rasmi ah Cashuuraha Berriga uga daahfurey Gobolka Cayn, Caasimadiisa Buuhoodle. Cashuuraha Berriga ayaa hore looga daahfurey, Caasimadda Gobolka Sool, ahna Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.
Bahda Wasaaradda Maaaliyadda ay si faahfaahsan uga hadlay marxaladaha ay soo mareen Cashuuraha Berriga iyo hiigsigooda ku saabsan taabbagelinta guud ahaan Cashuuraha ay qaaddo Wasaaradda Maaliyaddu gaar ahaan tan Gobolka Cayn.
Sidoo kale, waxaa madasha daahfurka ka hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhankooda caddeeyey sida ay diyaarka ugu yihiin bixinta cashuuraha kala duwan ee dawladdu qaaddo.
Daahfurkan Cashuuraha Berriga ee maanta laga daahfuray Caasimadda Gobolka Cayn ayaa macneheedu yahay in laga bilaabo maanta ay Cashuuraha Berrigu si toos ah uga bilaabmayaan Gobolka Cayn.
Ugu dambayn Hoggaamiyaha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Maaliyadda shaqooyinka baaxadda leh ee ay guud ahaan deegaanka ka waddo. Daadejinta cashuuruhu waxay ka mid yihiin qorsheyaashii aynu ka lahayn safarka shaqo ee ay weftigu ku yimaaddeen Gobolka Cayn. Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee maamulku in ay si buuxda uga wada hawlgalaan deegaannada oo dhan.


