ANSIXINTA XEERKA QOONDADA MIISAANIYADDA 2026 ee DWBS
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya (DWBS) waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Sanadka 2026 la ansixiyey, kaddib wadatashi iyo qiimeyn…

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya (DWBS) waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Sanadka 2026 la ansixiyey, kaddib wadatashi iyo qiimeyn dhamaystiran oo ay yeesheen hay’adaha khuseeya.
Waxaan sida ugu mudan, mahadcelin, hambalyo, iyo bogaadin ugu dirayaa Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya (DWBS) oo maanta si rasmi ah u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2026 ee DWBS, kaddib wadatashi ballaaran, qiimeyn dhamaystiran, iyo dood cilmiyeed qoto dheer.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Guddiga Maaliyadda, Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga kuwaas oo muujiyey juhdi, dedaal, iyo xilkasnimo sare, isla markaana door muhiim ah ka qaatay meel-marinta Miisaaniyadda 2026.
Waxaa xusid mudan in DWBS ay miisaaniyad ku shaqaynaysay tan iyo aasaaskii Dowladda ee sannadkii 2023, taas oo muujinaysa joogtaynta nidaamka maaliyadeed iyo kobaca karaanka hay’adaha dowliga ah.
Sidoo kale, maanta Golayaasha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ansixiyey Miisaaniyadda 2026 ee DFS, taas oo ay qayb ka tahay Dawladda Waqooyi Bari.
Waxaan si xushmad leh ugu mahadcelinayaa Golaha Wakiillada DFS sida ay ugu dhiirradeen in dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ay helaan qoondada miisaaniyadeed ee ay xaqa u leeyihiin.
Dawladda WBS waxaa ka go’an in ay xuquuqda shacabka WBS uga raadiso meel kasta oo ay ku jirto fursad sharci iyo mid horumarineed—ha noqoto DFS, Bangiga Adduunka (World Bank), Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), deeq-bixiyeyaasha, iyo saaxiibbada Soomaaliyeed—si loo xaqiijiyo horumar waara, adeeg-bixin tayo leh, iyo mustaqbal ka wanaagsan.
Dhamaad
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda DWBS


