Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, iyo Xisaabiyaha Guud ee…

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, iyo Xisaabiyaha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Maxamed Ibraahim Xuseen, ayaa si rasmi ah…

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed, iyo Xisaabiyaha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Maxamed Ibraahim Xuseen, ayaa si rasmi ah uga qayb galay wejiga labaad ee shirka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), kaas oo lagu qaybtay Caasimada dawlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb socona doona 19-20ka November 2024.

Wajiga 2aad ee Shirkan ayaa ku saabsan diyaarinta warbixinaha maaliyadeed "IPSAS Cash Basis", IPSAS (International Public Sector Accounting Standards) waxaa diirada lagu saaraya mideynta habraacyada diyaarinta xisaabaadka bilaha, saddex biloodlaha iyo sanadlaha ah iyadoo la waafajinayo heerarka caalamiga ah ee maamulka maaliyadda dadweynaha. Tababarkan IPSAS wuxuu muhiimad weyn u leedahay kor u qaadista hufnaanta, saxnaanta, iyo daahfurnaanta xisaabaadka, isagoo abuuri doona kalsoonida dadweynaha iyo habka maareynta dhaqaalaha maamulka.

Mas'uuliyiinta SSC-Khaatumo ayaa qayb ka ah tababarkan, iyagoo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo isku-xirnaanta nidaamyada maaliyadeed.

Dhamaad
Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo.

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)