Skip to main content

An official website of the Northeast State of Somalia

Search

The Ministry's laws, regulations, tax tariffs and budget acts are now available to download.

Read more
Back to News & Announcements
News

Addis Ababa: Kulanka Wasaaradda Maaliyadda iyo Machadka HESPI

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda SSC-Khaatumo ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeelatay madaxa sare ee Machadka HESPI (Horn Economic and Social Policy Institute), kaas oo diiradda lagu…

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda SSC-Khaatumo ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeelatay madaxa sare ee Machadka HESPI (Horn Economic and Social Policy Institute), kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta hannaanka maaliyadeed ee dowlad-goboleedka.
Kulanka oo ay ka qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Waaxda Dakhliga, iyo Guddoomiyaha Machadka HESPI ayaa lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin:
• Hagaajinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed (PEFA),
• Horumarinta Miisaaniyadda iyo Warbixinaha Maaliyadeed ee Dowladda
• Hirgelinta heerarka xisaab-xidhka ee IPSAS.
• Kor u qaadista xirfahadaha hawl-wadeenada Wasaaradda Maaliyadda
WM ee Dowladda SSC-Khaatumo waxay si buuxda u garowsan tahay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hay’adaha cilmi-baarista sida HESPI, si loo xoojiyo hannaanka maaliyadeed iyo qorsheynta horumarineed ee Dowladda.

Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo
MAHADSANID

Photos

View the original post on Facebook(opens in a new tab)