Xidhitaanka Tababarka Kor-u-qaadista Awoodaha (Capacity Building Workshop) – Macroeconomic Working Group
Waxaa si rasmi ah u soo gabgaboobay tababar afar maalmood socday oo ku saabsanaa xoojinta awoodaha shaqaalaha Gaar ahaan Haayada Arimaha dhaqaalaha iyo qorsheynta oo ay soo qabanqaabisay…

Waxaa si rasmi ah u soo gabgaboobay tababar afar maalmood socday oo ku saabsanaa xoojinta awoodaha shaqaalaha Gaar ahaan Haayada Arimaha dhaqaalaha iyo qorsheynta oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Tababarkan oo ka qabsoomay Hotel Jidbaale, caasimadda WB ee Laascaanood ayaa ah kii 4aad ee Dawlad Goboleed lagu qabto, wuxuuna qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo xasilinta dhaqaalaha guud iyo wada-shaqaynta heer federaal iyo heer dawlad goboleed.
Tababarka waxaa furay wafti heer sare ah oo ka socday Dawladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Siyaasadda iyo Qorshaynta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdinaasir Warsame, iyadoo ay weheliyaan khubaro iyo saraakiil farsamo oo bixiyey aqoon kororsi la xidhiidha hannaanka xasilinta dhaqaalaha guud (macroeconomic stability).
Waftiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, kuwaas oo la wadaagay waayo-aragnimo iyo qorshayaal lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo hufnaanta maaliyadeed.
Intii uu tababarku socday, waxaa diiradda la saaray mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
- Fahamka iyo isku xidhka tilmaamayaasha dhaqaalaha guud (macroeconomic indicators).
- Isku-duwidda hay’adaha iyo xoojinta awoodda maaliyadeed.
- Siyaasadda miisaaniyadda iyo maamulka cashuuraha.
- Daahfurnaanta deeqaha iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah.
- Qorshaha Qaran ee NTP 2025–2029 iyo istiraatiijiyadda dib-u-habaynta (Post-HIPC Reform)
Waxaa tababarka bixiyey khubaro iyo lataliyaal sare ay ka mid yihiin Mr. Khalid Maxamed Barre, Mr. Abshir Maxamed Abshir, iyo Mr. Cigaal.
Ugu danbayn tababar muhiimka ah waxaa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad, isagoo ku bogaadiyay Hawladeenadda Dawladda Waqooyi Bari dadaalka iyo ka go’naanta kor u qaadista aqoonta, sidoo kale wuxuu xusay Wasiirku Muhiimada ay leedahay iskaashiga, wada-shaqaynta maaliyadeed iyo dadaaladda lagu dhisayo dhaqaalaha guud dalka.
-Dhamaad-
Xafiiska xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda
Dawlada Waqooyi Bari
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


