Xafladda Furitaanka Kulan Aqoon kororsi oo Ku Saabsan Xisaabaadka Guud ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo ay ka mid tahay SSC-Khaatumo
Xafladda Furitaanka Kulan Aqoon kororsi oo Ku Saabsan Xisaabaadka Guud ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo ay ka mid tahay SSC-Khaatumo. Xisaabiyaha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo…

Xafladda Furitaanka Kulan Aqoon kororsi oo Ku Saabsan Xisaabaadka Guud ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo ay ka mid tahay SSC-Khaatumo.
Xisaabiyaha Guud ee Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Maxamed Ibraahim Xuseen, ayaa qayb ka ah kulankan oo ah safar aqoon kororsi oo ka dhacay Treasury House, Abuja Nigeria, Safarkan oo ku saabsan aqoon kororsi habka maamulka maaliyadeed guud (PFM) .
DR. (MRS.) OLUWATOYIN SAKIRAT MADEIN, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Nigeria, ayaa soo jeedisay khudbad soo dhaweyn ah oo diiradda lagu saaray isbeddelada waaweyn ee ay Nigeria ka samaysay dhanka PFM.
Sidoo kale, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa soo bandhigay ujeeddada safarka iyo qorshayaasha wafdiga Soomaaliyeed.
Dhamaad
Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


