U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Waxaa maanta caasimada dawlad gobaleedka waqooyi bari ee Laascaanood si rasmi ah uga furmay Shirka Dib-u-eegista iyo…

Waxaa maanta caasimada dawlad gobaleedka waqooyi bari ee Laascaanood si rasmi ah uga furmay Shirka Dib-u-eegista iyo Dhamaystirka Hagaha Shax-Xisaabeedka Midaysan (Unified Chart of Accounts…

Waxaa maanta caasimada dawlad gobaleedka waqooyi bari ee Laascaanood si rasmi ah uga furmay Shirka Dib-u-eegista iyo Dhamaystirka Hagaha Shax-Xisaabeedka Midaysan (Unified Chart of Accounts – UCoA) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda. Waxaa kasoo qaybgalay Waaxaha Khasnadda, Miisaaniyadda, iyo Warbixinnada & Xisaabaadka, ee Wasaaraddaha Maaliyadda Dawladda Federaalka, Dawlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa daahfuray Wasiirka Maaliyadda ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad. Inta shirka sodo, waxaa si qoto dheer loo falanqeyn doonaa hagaha cusub ee UCoA iyo isbeddellada lagu sameeyayo shax xisaabeedka hadda la isticmaalo, si loo mideeyo hannaanka xisaabeedka dowladda lana waafajiyo heerarka caalamiga ah ee IPSAS.

Intii lagu guda jiray furitaanka, xubnaha guddiga farasamda ee “UCoA Technical Working Group” ayaa si gaar ah uga doodayo muhiimadda nidaamkan uu u leeyahay hufnaanta, isla xisaabtanka maaliyadeed, iyo horumarinta maamulka dhaqaalaha guud ee dalka.

-Dhamaad-

Sawirro

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)