U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Waxaa maanta caasimada dawlad gobaleedka waqooyi bari ee Laascaanood lagu soo gabagabeeyey Shirka Dib-u-eegista iyo…

Waxaa maanta caasimada dawlad gobaleedka waqooyi bari ee Laascaanood lagu soo gabagabeeyey Shirka Dib-u-eegista iyo Dhammaystirka Hagaha Shax-Xisaabeedka Midaysan (UCoA), oo ay ka…

Waxaa maanta caasimada dawlad gobaleedka waqooyi bari ee Laascaanood lagu soo gabagabeeyey Shirka Dib-u-eegista iyo Dhammaystirka Hagaha Shax-Xisaabeedka Midaysan (UCoA), oo ay ka qeyb-galeen xubno ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka oo socday afar maalmood ayaa lagu falanqeeyay hagaajinta iyo wax kabadalka shax-xisaabeedka, si loo waafajiyo dhammaystirka xeerka caalamiga ah ee IPSAS Cash Basis.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad, ayaa soo xiray shirka, isagoo xusay in hagahan cusub uu kor u qaadi doono hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dawladda.

Sawirro

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)