Wasaaradda Maaliyaddu waxay maanta bilowday tababar ku saabsan Shaxda Akoonada Mideysan (Unified Chart of Accounts), si…
Wasaaradda Maaliyaddu waxay maanta bilowday tababar ku saabsan Shaxda Akoonada Mideysan (Unified Chart of Accounts), si loo xoojiyo fahamka Maareynta Maaliyadda, korna loogu qaado…

Wasaaradda Maaliyaddu waxay maanta bilowday tababar ku saabsan Shaxda Akoonada Mideysan (Unified Chart of Accounts), si loo xoojiyo fahamka Maareynta Maaliyadda, korna loogu qaado daahfurnaanta, xirfadaha la xidhiidha Maareynta Maaliyadda iyo Habeynta xisaabaadka maaliyadeed.
Tababarkan oo muhiim u ah kor u qaadista hufnaanta iyo isla xisaabtanka nidaamka maaliyadeed ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxaa ka faa’iidaystay qaybo ka mid Hawl wadeenadda Wasaaradda.
Tababarka waxaa bixinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, kuwaas oo si qoto dheer u sharaxay Shaxda Akoonadda Mideysan ee hagaajinta nidaamka maaliyadeed.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay sii wadaysaa dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo xirfadaha shaqaalaha si loo gaadho maamul hufan oo daahfuran.
Dhamaad
Xafiiska xidhiidhka dadwaynaha
wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


