Wasaaradda Maaliyaddu waxay hambalyo u diraysa Golaha Wasiiradda
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa u hambalyeynaysaa magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee uu sameeyay Madaxweynaha Dawladda, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali.…

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa u hambalyeynaysaa magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee uu sameeyay Madaxweynaha Dawladda, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali.
Gaar ahaan, waxay Wasaaradda Maaliyaddu u diraysaa hambalyo mudane Cabdiqani Xuseen X. Hiirad oo mar labaad loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda. Soo noqoshada Wasiir Hiirad ee hogaanka Wasaaradda waxay ka dhigan tahay aqoonsi cad iyo kalsooni buuxda oo Madaxweynuhu u hayo awooddiisa hogaamineed, khibraddiisa shaqo, iyo dadaalkiisu hore.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay muujinaysaa diyaar garow buuxa oo ay ula shaqaynayso Wasiirka iyo Golaha Wasiirrada cusub si loo gaadho horumar waara, maamul hufan, mustaqbal dhaqaale oo xasilloon iyo xaqiijinta qorshayaasha hortabinta u leh dawlada waqooyi bari.
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


