U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Wasaaradda Maaliyadda oo Soo Gabagabaysay Tababar Ku Saabsan Shaxda Akoonada Mideysan ee Heer Federal

Wasaaradda Maaliyadda ee SSC-Khaatumo ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabaysay tababar ku saabsan Shaxda Akoonadda Mideysan (Unified Chart of Accounts), kaas oo midayna nidaamka…

Wasaaradda Maaliyadda ee SSC-Khaatumo ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabaysay tababar ku saabsan Shaxda Akoonadda Mideysan (Unified Chart of Accounts), kaas oo midayna nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha Federaalka (FMS).

Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lagu baranayay sidii loo mideyn lahaa habraacyada xisaabaadka maaliyadeed ee heer qaran, taas oo muhiim u ah xoojinta isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta nidaamka maaliyadda. Waxaa tababarkan si gaar ah uga faa'iidaystay qayb ka mida Hawl wadeenadda Wasaaradda.

Sawirro

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)