Wacyigelin ku Saabsan Habka Qaadashada Taarikooyinka Gaadiidka ee ka socota Gobolka Cayn gaar ahaan caasimada gobolka ee Buuhoodle
Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska wasaaradda Maaliyada ee Gobolka cayn ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyaha ku xigeenka Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo Mudane Cismaan Ibraahin gadhle, Agaasimaha…
Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska wasaaradda Maaliyada ee Gobolka cayn ayaa waxaa qayb ka ahaa Taliyaha ku xigeenka Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo Mudane Cismaan Ibraahin gadhle, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Marwo Najah Omar Ahmed, Agaasimaha xigeenka Cashuuraha Berriga ee Waaxda Dakhliga, Mudane Cabdiqaadir Xasan Cawil, Isuduwaha Gobolka Cayn ee Wasaaradda Maaliyada, Mudane Dirir Cabdinaasir Mahad, iyo Taliyada Laanta danbi baadhista (C.I.D) gobolka Cayn, Mudane Ibraahin Maxamed Cabdi, iyagoo ka hadlay muhiimadda qaadashada taarikooyinka rasmiga ah ee gaadiidka, iyagoo xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay amniga, sharciyeynta gaadiidka, iyo kor u qaadista dakhliga maamulka.
Taliye ku xigeenka Booliska ayaa ku booriyay shacabka inay si degdeg ah u qaataan taarikooyin sharciyeysan, si looga fogaado dhibaatooyinka la xiriira diiwaan-gelin la’aanta. Sidoo kale, Isuduwaha Gobolka Cayn ayaa tilmaamay in habkan uu yahay mid lagu kobcinayo nidaamka maamulka iyo lagu sugayo xasiloonida deegaanka.
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo waxay mar kale ku adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta bulshada iyo hay'adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo horumar iyo kala dambeyn.
Dhamaad
Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaraddda Maaliyadda SSC-Khaatumo
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


