U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
Ogeysiis

Shaacinta tartamayaasha u gudbay marxaladda xigta ee waraysiga

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari waxay shacinaysaa xubnaha ugu sarreeya kuwaas oo u gudbay heerka xiga ee waraysiga kafool kafoolka ah (interview) ee shaqaalaynta hawlwadeennada…

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari waxay shacinaysaa xubnaha ugu sarreeya kuwaas oo u gudbay heerka xiga ee waraysiga kafool kafoolka ah (interview) ee shaqaalaynta hawlwadeennada wasaaradda.

16ka tartame ee soo gudbey ee labada boos, waxay Wasaaraddu fareysaa inay u diyaar garoobaan heerka xiga ee qiimeynta, horena u soo qaataan caddeymahooda sida shahaadooyinka iyo baaqooda (code).

Wasaaraddu waxay habraaca shaqaaleysiinta u dejisey saddex heer oo muhiim ah, si loo helo qofka ugu mudan u adeegidda bulshada iyo la jaanqaadka qorshaha Wasaaradda:
Heerka 1aad: Diyaarinta liiska gaaban ee buuxiyey shuruudaha (Short List).
Heerka 2aad: Qaadista imtixaanka qoraalka ah (Paper Exam).
Heerka 3aad: Wareysiga kafool kafoolka ah (Interview).

-Dhamaad-

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)