Shaacinta natiijada imtixaanka
Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo waxay shaacinaysaa xubnaha ugu sarreeya ee ku guuleystay imtixaanka shaqaalaynta hawlwadeennada Degmada Buuhoodle, kuwaas oo u gudbay heerka…

Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo waxay shaacinaysaa xubnaha ugu sarreeya ee ku guuleystay imtixaanka shaqaalaynta hawlwadeennada Degmada Buuhoodle, kuwaas oo u gudbay heerka xiga ee waraysiga kafool kafoolka ah (interview).
11ka tartame ee ku gudbey dhibcaha sare, waxay Wasaaraddu fareysaa inay u diyaargaroobaan heerka xiga ee qiimeynta, horena u soo qaataan kaabayaasha iyo caddeymaha shaqaaleysiinta ee shahaadooyinka iyo caddeymaha kale.
Wasaaraddu waxay habraaca shaqaaleysiinta u dejisey afar heer oo muhiim ah, si loo helo qofka ugu mudan u adeegidda bulshada iyo la jaanqaadka qorshaha Wasaaradda:
Heerka 1aad: Diyaarinta liiska gaaban ee buuxiyey shuruudaha (Short List)
Heerka 2aad: Tababarka hordhaca ah ee xoojinta fahanma shaqada
Heerka 3aad: Qaadista imtixaanka qoraalka ah (Paper Exam)
Heerka 4aad: Wareysiga kafool kafoolka ah (Interview)
Mahadsanidiin
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


