Safiirka norway oo booqasho rasmi ah KU yimid SSC-Khaatumo
Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda SSC-Khaatumo oo uu ugu horeeyo wasiir mudane, Cabdiqani Xuseen X Hiirad, Agaasimaha Guud mudane Siciid Cabdiraxmaan iyo Agaasimayaasha waaxahu waxay si…

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda SSC-Khaatumo oo uu ugu horeeyo wasiir mudane, Cabdiqani Xuseen X Hiirad, Agaasimaha Guud mudane Siciid Cabdiraxmaan iyo Agaasimayaasha waaxahu waxay si diirran u soo dhaweysay Safiirka Boqortooyada Norway, booqashadiisa rasmi ah ee uu ku yimid SSC-Khaatumo.
Intii uu safarkiisa ku guda jiray, Safiirka wuxuu booqday xarunta guud Wasaaradda Maaliyadda, halkaas oo si qoto dheer warbixin looga siiyay shaqooyinka hortebinta u leh wasaaradda, waxyaabaha qabsoomay muddadi koobnayd, sidoo waxaa laga wada hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta maamul wanaagga.
Waxaan balaadhan ugu mahadcelineynaa Safiirka iyo wafdigiisa safarka ay ku yimaadeen SSC-Khaatumo gaar ahaa xarunta guud Wasaaradda Maaliyadda.
Dhamaad
xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


