Ololaha Cashuurta Waddo-Marista oo si Rasmi ah uga Socda SSC-Khaatumo
Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u guda gashay ololaha cashuur ururinta gaadiidka, kaas oo diiradda lagu saarayo dardargelinta soo xeraynta dakhliga…
Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u guda gashay ololaha cashuur ururinta gaadiidka, kaas oo diiradda lagu saarayo dardargelinta soo xeraynta dakhliga waddo-marista ee lixda bilood ee hore ee sanadka 2025.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay shacabka ugu baaqaysaa in ay si joogto ah u bixiyaan cashuuraha ku waajibay, maadaama ay muhiim u yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sugidda adeegyada bulshada. Waxaa sidoo kale digniin la faray dhammaan gaadiidka aan weli bixin cashuurta, iyadoo la adkeyn doono la-xisaabtanka laguna dhiirrigelinayo in si hufan loo bixiyo canshuuraha waajibka ah.
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


