U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Ololaha Bilaabidda Cashuuraha Berriga ee Gobolka Cayn

Waxaa si rasmi ah looga bilaabay Gobolka Cayn ololaha wacyigelinta iyo hirgelinta Cashuuraha Berriga ee maamulka SSC-Khaatumo. Ololahan ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Cayn,…

Waxaa si rasmi ah looga bilaabay Gobolka Cayn ololaha wacyigelinta iyo hirgelinta Cashuuraha Berriga ee maamulka SSC-Khaatumo.

Ololahan ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Cayn, Agaasimaha xigeenka Cashuuraha Berriga ee Waaxda Dakhliga, Mudane Cabdiqaadir Xasan Cawil, iyo Isuduwaha Gobolka Cayn ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Dirir Cabdinaasir Mahad.

Waxay bulshada Gobolka Cayn ku boorriyeen muhiimadda bixinta cashuuraha oo laf-dhabar u ah horumarinta adeegyada iyo kaabayaasha gobolka. Ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay ololahan, iyagoo ballan qaaday inay door muuqda ka qaadan doonaan bixinta cashuuraha.

Dhamaad
Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)