U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Magacaabis maamulaha cashuuraha Berriga Gobolka Cayn ee Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo

LAASCANOOD - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Dhamac xilka Maamulka Cashuuraha…

LAASCANOOD - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo, Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad, ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Dhamac xilka Maamulka Cashuuraha Berriga ee Gobolka Cayn.

Magacaabistan ayaa ku timid baahida loo qabo dardargelinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan kor u qaadista dakhliga iyo hufnaanta hanaanka maamulka maaliyadeed ee gobolka.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)