Madaxweyna Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari ayaa kormeer SHAQO KU yimi Wasaaradda Maaliyadda
Laascanood 09-12-2025:- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Waqooyi Bari Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa kormeer ku yimi Wasaarada Maaliyada Dawladda Waqooyi…

Laascanood 09-12-2025:- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Waqooyi Bari Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa kormeer ku yimi Wasaarada Maaliyada Dawladda Waqooyi Bari.
Madaxweyne Kuxigeenka waxa wasaarada kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda maaliyada mudane Cabdiqani Xuseen X Hiirad oo uu weheliyo wasiir kuxigeenka wasaaradda Mudane Mudane Ahmed Dahir Mire.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa warbixin ku saabsan hawlaha wasaaradda iyo qorshayaasha horumarineed ee ku aadan hawlaha maaliyada ka dhagaystay masuuliyiinta iyo hawladeenada wasaarada.
Ugu danbeyntii Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Waqooyi bari ayaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada ku dhiirigaliyay inay dardargaliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.
-Dhammaad-
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


