U gudub nuxurka bogga

Bog rasmi ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya

Raadi

Sharciyada, xeer-nidaamiyeyaasha, tacriifadaha canshuuraha iyo xeerarka miisaaniyadda Wasaaradda hadda waa la soo dejisan karaa.

Akhri wax badan
Ku noqo Warar & Ogeysiisyo
War

Kulanka soo dhawaynta Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada Maamulka ssc-kahtumo

23ka Luulyo 2024 Hawlwadeenada wasaaradda maaliyadda maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay kulan soo dhawayn iyo isbarasho ah u sameeyay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda. Wasiirka wuxuu…

23ka Luulyo 2024 Hawlwadeenada wasaaradda maaliyadda maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay kulan soo dhawayn iyo isbarasho ah u sameeyay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka wuxuu warbixino guud ka dhagaystay agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda .

Soo dhawayn ,Isbarasho iyo iswaraysi dabadeed wuxuu wasiirku ku bogaadiya hawl wadeenada wasaaradda maaliyadda shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen mudadii ay hawsha soo wadeen iyo sida nafhurnimada iyo daahfurnaata leh ee ay ugu adeegayaana dadkooda.

Ugu danbayn wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda ayaa kula dardaarmay hawlwadeenada wasaardda in ay adkeeyaan wadashaqaynta iyo daahfurnaanta shaqo si loo gaadh hiigsiga fog ee wasaaradda .

Dhamaad
Xafiiska wacyi-galint iyo warfaafinta wasaaradda maaliyada maamulka SSC-Khaatumo.

Sawirro

Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)