Imtixaanka Tartamayaasha Boosaska Bannaan ee Cashuuraha Buuhoodle ayaa maanta qabsoomay
25ka Janaayo, 2025: Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah loo qabtay imtixaankii loogu talagalay shaqooyinka ururinta cashuuraha ee buuhoodle, kaas oo lagu qabtay…

25ka Janaayo, 2025: Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah loo qabtay imtixaankii loogu talagalay shaqooyinka ururinta cashuuraha ee buuhoodle, kaas oo lagu qabtay Jaamacadda bariga africa.
Imtixaanka waxaa ka soo qayb galay, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed iyo Agaasimayaal kale ee wasaaradda, Masuuliyiintaasi waxay kormeereen habsami u socodka imtixaanka iyo hubinta in uu hufan loo qaaday, taas oo muujinaysa sida ay Wasaaradda uga go'an tahay hirgelinta nidaam shaqaalaysiin oo daahfuran.
Waxaa Maanta imtixaanka s ugu fadhiistay 37 codsade oo horay ugu soo gudbay Liiska gaaban ( Short List), kuwaas oo u tartamayay shaqooyinkii ay soo bandhigtay Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Imtixaankan waxaa loogu talagalay in lagu soo xulo shaqaale xirfad iyo karti u leh qaadista cashuuraha, si loo xoojiyo nidaamka dakhliga iyo adeegyada ay Wasaaradda Maaliyaddu u fidiso bulshada. Tani waxay qayb ka tahay dadaalka Wasaaradda ee lagu kobcinayo awoodaha shaqaalaha iyo lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee SSC-Khaatumo.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay sii wadaysaa dhiirigelinta aqoonta, abuurista shaqooyin loo maro nidaam daahfuran, iyo hirgelinta maamul hufan oo lagu kasbado kalsoonida bulshada.
Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo.
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


