Akhrinta labaad ee miisaniyadda 2025 ee Maamulka SSC-Khaatumo
Laascaanood, 22 Janaayo 2025: Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa qabtay akhrinta labaad ee Miisaaniyadda 2025. Fadhigaan waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad, iyadoo 26…

Laascaanood, 22 Janaayo 2025: Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa qabtay akhrinta labaad ee Miisaaniyadda 2025. Fadhigaan waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad, iyadoo 26 xubnood oo baarlamaan ah ay ka qayb galeen.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad ayaa si guud ugu soo gudbiyay Golaha Baarlamaanka warbixin ku saabsan dakhliga kala duwan iyo kharashaadka Miisaaniyaddii 2024.
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Baarlamaanka ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan miisaaniyadda, taas oo muujineysa qorshayaasha dhaqaale ee maamulka.
Ugu dambayn, akhrinta labaad ee Miisaaniyadda 2025 waxay muujineysaa himilada iyo hufnaanta maamulka. Sidoo kale in hindisaha miisaniyaddu uu gacan ka geysan doono horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha SSC-Khaatumo.
Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo.
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


