Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyada Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed iyo Xisaabiyaha Guud…
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyada Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed iyo Xisaabiyaha Guud ee Maamulka Mudane Maxamed Ibraahim Xuseen ayaa maanta ka qayb galey…

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyada Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed iyo Xisaabiyaha Guud ee Maamulka Mudane Maxamed Ibraahim Xuseen ayaa maanta ka qayb galey shirka saddex biloodka ah ee Maareynta Maaliyadda Dadweynaha (PFM) oo lagu qabtey Caasimadda Dawladda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirahman Mohamed Anas, iyo Wasiirka Maaliyadda Galmudug, Mudane Farxaan Cali Maxamuud, ayaa si rasmi ah u daah furay Shirka Maareynta Maaliyadda Dadweynaha (PFM).
Shirkan ayaa socon doona inta u dhaxaysa 16 illaa 20-ka November. Shirkan ayaa diiradda saaraya isku xirka iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (FMS).
Ujeedada ugu weyn ee shirka ayaa ah xoojinta wada shaqaynta iyo iswaafajinta nidaamyada maaliyadeed ee dalka, si loo gaadho hufnaan iyo waxqabad waara.
Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaraya horumarinta qorsheyaasha maaliyadeed ee qaranka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa caqabadaha maaliyadeed ee jira.
Dhamaad
Waaxda Xogta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda SSC-Khaatumo
Sawirro
Ka eeg qoraalka asalka ah Facebook(waxay ku furmaysaa tab cusub)


